Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Flydubai oo duulimaadkii u horreyay ku timid Muqdisho

Muqdisho, Maarso, 9, 2023 – Shirkadda diyaaradaha Flydubai ayaa maanta si rasmi ah u billowday duulimaad toos ah ee Dubai iyo Muqdisho ah, ayada oo isticmaaleyso dayaaradda cusub ee Boeing 737 Max, oo maanta soo cago dhigatay garoonka diyaraadaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho.

Shirkaddaan Flydubia ayaa 14-kii bishaan Febraayo 2023, ku dhawaaqday iney sameyn doonto duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Dubia maalin-kasta (Daily Flight), hayeeshe wixii ka dambeeya 1 bisha June ee sannadkaan shirkadda waxay duulimaadkeeda ka dhigi doontaa laba duulimaad maalintiiba (twice daily flight).

“ Tani waxay qeyb ka tahay qorsheenna horumarinta suuqa duulimaadyada caalamiga ah oo na dhaxalsiinaya kobac dhaqaale iyo marin kale oo qiimaha jaban ee dunidda inagu xiraya.” ayay tiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal oo qeyb ka ahayd munaasabadda lagu soo dhaweeyay bilowga duulimaadka Flydubia.

Flydubia, waxay ku biireysa shirkadaha kale ee Turkish Airline, Qatar airways, Ethiopian airways, AirUganda oo duulimaadyada caalamiga ah ku yimaada caasimadda Muqdisho , xilli uu garoonka Aadan Cabdulle soo jiidanayo duulimaadyada caalamiga, taa oo ay door weyn ka qaadanayso horumarinta lagu sameeyay adeegyada duulimaadyada ee ay bixiso Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

—Dhammaad—