Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gadiidka oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Injineero ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud.

Muqdisho,28,Aug,2022:-Agasimaha Guud Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS ali Ga’al Gabow ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Injineero ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud dib udhiska iyo Guryeynta XFS.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhismayaal wasaaradu ka hir galinayso qaybo ka mid ah Wasaaradda oo ay ka mid tahay Xarunta Guud ee Wasaarada iyo Garoonka Diyaaradaha Aden Cabdulle.
Agasimaha Cali Gacal ayaa u sheegay Injineerada sida looga baahan yahay in ay u hirgaliyaan shaqada iyo maadama ay Wasaarada hawlaha Guud dib udhiska iyo guryeynta u xilsaaran tahay hirgalinta dhismaayasha dawlada.
Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada XFS ayaa bilaabaysa Qorshe ah Qurxinta iyo Bilicda qaybaha Wasaaradu ka kooban tahay.
DAAWO SAWIRRO
DHAMAAD
Xafiiska warbaahinta iyo xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gadiidka
Email:-Info@motca.gov.so