Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo la kulantay Agaasimayaal ka socda Hay’adda Duulista Rayidka ah.

Muqdisho,22,AUG,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Kulan lagu daedar galinayo Shaqooyinka Hay’adda Duulista Rayidka ah la qaadatay qayb ka mid ah Agaasimayaasha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed, waxaana intii kulanku socday lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay Agaasimayaasha waaxyaha ay maanta kulanka la qaadatay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya.

Kuxigeenka maareyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ahna Maareeyaha waaxda bixinta adeega hawada Mudane.Ali Jamac Abdi iyo maareyaha Garoomada Dalka Mudane. Saciid Maxamed xuseen ayaa soo bandhigay qorshaha hortabinta leh ee waaxda, iyo sidoo kale shaqooyinka horyaal ee dhawaan la doonayo in la xaqiijiyo yoolashooda.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah Md. Axmed Cali Xasan ayaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Mw. Fardowsa Cismaan si guud uga warbixiyay Qorshayaasha Hay’adda ee Sanadkaan 2022, wuxuuna sheegay in talaabooyinka qorshaysan ay ku salaysan yihiin Qorshaha Qaranka loona fulinayo sida hortabinta leh.
Wasiirka Gaadiidka Marwo Fardowsa Cismaan ayaa Waaxayaha kala duwan ee Hay’adda Duulista Rayidkaah fartay in shaqooyinka la daadajiyo, waxayna sheegtay in Hay’adda Duulista Rayidka shaqooyinkeeda oo horumara ay tahay yoolalka koowaad ee muujinaya Soomaaliya inay yeelanayso Mustaqbal ifaya kaas oo ka tarjumaya dib u dhiska Dawladnimada Soomaliya.
Ugu Dambayn Wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in kulamada Isla xisaabtanka ee Shaqooyinka kor loogu qaadayo ay joogto noqonayaan, si loo balaariayo adeegyada Shacabka Soomaaliyeed ay siiso Hay’adda H.D.R.S.
DAAWO SAWIRRO
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka dadweynaha ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya
Email Info@Motca.gov.so