Muqdisho, January, 5, 2023- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa galinkii hore ee Khamiista maanta guddoomiyay kulanka bilaha ah ee hoggaanka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa looga hadlay qorshayaasha shaqo , dardargelinta qorshaha dagsan ee sannadka 2023,iyadoo diiradda la saarayo horumarinta shuruucda, garoommada iyo qorshayaasha hortabinta leh.
“ Sannadka cusub 2023 , wuxuu inuu yahay sannad waxqabad oo aan ku dhammeystirayno qorshaha aan ku dooneyno Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , inay ka mid noqdo kuwa adeegyada u sarreeya ee gobolka.” ayuu yiri Maareeyaha Guud ee HDRS , Mudane Axmed Macallin.
Gabagabadii , wuxuu intaa ku daray, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed in sannadkan dhammaaday ee 2022 la gaaray natiijo wax ku ool ah.
Hoos ka eeg Sawirro



-DHAMAAD-
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadwaynaha Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista hawada Soomalia
Emil Info@motca.gov.so