Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u cusbooneysiiyay heshiiska Adeegga Hawada

Muqdisho, January, 10, 2023- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda Dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa maanta goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa oo lagu saxiixay heshiiskii Adeegga Hawada (ASA) ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u habeyn lagu sameeyay, kaas oo la dhaqan geliyay 3-dii December 1988-dii.

Heshiiskan ayaa la jaanqaadaya waqtigan la joogo , iyadoo lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

“Heshiiskan 1988 ayaa horay loo saxiixay , maaddama 35 sanno ay ka soo wareegatay waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqadi kara qarnigaan la joogo.” Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa ayaa sidaa sheegtay, iyadoo intaa ku dartay “ Heshiiskan wuxuu horumarinayaa iskaashigeena iyo khibrad wadaaga dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.”

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges oo boggaadisay horumarrada Soomaaliya ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada , ayaa sheegtay in dib u habeynta heshiiskan uu gacan weyn ka heysanayo iskaashiga labada dal.

—Dhammaad—