Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada XFS oo ka qaybgalaysa kacdoonka Shacabka Muqdisho.

Muqdisho, 12,Janaayo,2022:- Madaxda Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Shaqaalaha qaybaha kala duwan ee Wasaarada ayaa galabta Garoonka Kubada Cagta ee Eng Yariisow uga qayb galaya Kacdoonka Shacabka Muqdisho iyo Dabar goynta khawaarijta Alshabaab kaas oo in ka badan 20,000 kun oo qof ay ka qayb galayaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xil fardowsa Cismaan Cigaal oo dhamaan shaqaalaha Wasaarada Gaadiidka la hadashay ayaa sheegtay in ciribtirka Kooxda Alshabaab meel looga soo wada jeesto.

Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin in shacabka Soomaaliyeed laga dulqaado dhagarta cadowga alshabaab.

U adeegga bulshadeenna , waxaa inoo dheer oo aan cod dheer uga qeybqaadanaynaa dadaallada ay nagu hoggaaminayaan madaxda qaranka ee dib u xoreynta iyo gaarista qaran xooggan oo barwaaqo ah” ayay tiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada.

Dhammaad.