Muqdisho, September, 10, 2022 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa labada gelin ee maanta ku sugneyd garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle , halkaa oo lagu soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Dawlad-gobolleedyada Dalka.
Wasiirka Gaadidka Marwo Fardowsa Cismaan ayaa u mahadcelisay , wasiirrada , Xildhibaannada , howlwadeennada iyo mas’uuliyiinta kale ee tan iyo saakay joogay garoonka caalamiga ah ee caasimadda Muqdisho ee Aadan Cadde si ay qeyb uga noqdaan soo dhaweynta madaxda Dawlad-gobolleedyada ee ka qeybgalaya shirka wadatashiga qaran.
Waxay xaqiijisay sida ay rajo weyn uga qabto in madaxda u hiiliyaan qaranimadeena, si wadajir ahna u raadiyaan Soomaaliya nabad ah oo xasilloon.
HOOS KA EEG SAWIRRO





—Dhammaad-
Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya
Email:- Info@motca.gov.so