Muqdisho,06,Sep,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta kula la qaadatay maamulka shirkadda Favori LLC .
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa wax laga waydiiyay maamulka shirkadda adeegyada ay ka qabtaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ay ugu horreeyaan horumarinta , dayactirka, ballaarinta garoonka, sharciyada hannaanka shaqo ee shirkadaha ka dhex shaqeeya garoonka iyo isla-xisaabtan ku aaddan heshiiska ay shirkaddu kula jirto Dawladda Soomaaliya oo la waafajiyo shuruucda Dalka iyo dib u eegistiisa.
Maareeyaha Duulista Hawada , ku-xigeennadiisa , maareeyaha garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista ayaa goobjoog u ahaa shirka.
HOOS KA EEG SAWIRRO







DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XARIIRKA DAFWAYNAHA EE WASAARADD GAADIIDKA IYO DUULISTA HAWADDA SOOMAALIYA