Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Soomaaliya iyo IATA oo heshiis taariikhi ah gaaray

Nairobi, February, 6, 2023 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hay’adda Gaadiidka Hawada adduunka (IATA) ee Bariga dhexe iyo Afrika , Kamil Alawadhi ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiiskii ugu horreeyay ee lagu ballaarinayo iskaashiga dhaqaale iyo faa’iidooyinka kale ee adeegyada hawada.

Heshiiska ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah , in wixii hadda ka dambeeya la siiyo Soomaaliya furaha ama Code-ka lagu jaro Tikidhada gaadiidka isticmaala hawada Soomaaliya, iyadoo heshiiska uu daah-furay hannaan cusub oo sidoo kale lagu ballaarin doono howlaha IATA ee Soomaaliya, si loo dardargeliyo dadaallada horumarinta Duulista Hawada Soomaaliya,

“ Waa waqti muhiim u ah horumarkeena Duulista Hawada , waana guul kale inan maanta heshiis la gaarno IATA .. heshiiskani ayaa sidoo kale uu u gogol xaarayaa in si dhow la isaga kaashado arrimaha mudnaanta u leh duulimaadyada dalkeenna. “ ayay tiri Wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal.

Madaxweyne ku-xigeenka Hay’adda Gaadiidka Hawada adduunka (IATA) ee Bariga dhexe iyo Afrika , Kamil Alawadhi ayaa dhankiisa boggaadiyay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay Duulista Hawada , isagoo marka soo hadal qaaday in toddobaadyo ka hor hannaanka maamulka iyo amniga Hawada la gaarsiiyay heerka u sarreeya ee Class A, maantana heshiiskan muhiimka ah la saxiixay.

“Suurtogalnimada in la xoojiyo waaxda gaadiidka Hawada si ay uga qayb qaadato horumarka Soomaaliya waa mid aad u weyn, heshiiskan ayaa ujeedadiisu tahay in la ogaado suurtagalnimada horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha iyada oo diiradda la saarayo heerarka caalamiga ah,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka IATA ee bariga dhexe iyo Afrika, isagoo intaa ku daray “Wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal waxa ay leedahay aragti xooggan oo ku aaddan in la helo duulimaadyo guul leh si ay uga qayb qaataan horumarinta Soomaaliya, waxaana naga go’an in aan taageerno annagoo hadalka heshiiska u beddelayna waxqabad dhab ah.”

Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska oo ka dhacday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi, waxaa goobjoog u ahaa Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan, Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhiya Kenya,Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo guddoomiye ku-xigeenka ururka diyaaradaha Soomaaliya.

—Dhammaad—