Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

SAWIRRO:-Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawadda oo Caawa kulan la qaatay Naadiga Gaadiidka.

Mogadishu,18, June, 2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md. Duraan Axmed Faarax ayaa Caawa Magaalada Muqdisho kulan Casho ah ku Casuumay Gudiga Boorka, Maamulka Naadiga Gaadiidka iyo Ciyaarhanada Kooxda.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda, Maareeyaha Hay’adda Duulista Raidka ah, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Gudiga Boorka ee Naadiga Gaadiidka Gudiyada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Kulankaan cashada ah ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu dhiiri galiyo Ciyaaryahanada Naadiga Gaadiidka oo ka mid ah Kooxaha Heerka Koowaad ee dalka ka dhisan.

Macalinka Naadiga Gaadiidka Macalin Daadir Amiin Cali oo ku hadlayay Afka Kooxda Gaadiidka ayaa u mahad celiyay Wasiirka Gaadiidka, wuxuuna sheegay in marwalba uu taageero hiil iyo hoo ah la garab taagan yahay Kooxda Gaadiidka.

Wuxuu intaas ku daray in tan iyo markii Wasiirka Gaadiidka loo magacaabay wasaarada ay wax badan iska badaleen Naadiga Gaadiidka, waxuuna intaa raaciyay in sanadkaan ay guulo la taaban karo ka keenayaan Horyaalka Kooxaha Heerka Koowaad.

Maamulka Naadiga ayaa dhankooda sheegay in Kooxda sanadkaan ay siwayn ugu diyaar garowday Horyaalka, ayna rajaynayaan in ay noqoto naadiga ku guulaysta Koobka.

Gudiga Boorka ayaa dhankooda soo bandhigay hormaradii la gaaray oo ay ugu hoeeeyaan dib u habaynta kharashaadka ku baxa naadiga. iyadoona uu u Mahad celiyay Gudiyada kala duwan ee Taageera naadiga Gaadiidka.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Cali Gacal oo madasha ka hadlay ayaa balan qaaday in ay si wanaagsan uga shaqaynayaan Naadiga ayna ka wasaarad ahaan ay barbar taagan yihiin.

Gudiga Gaadiidka Cirka ayaa Balanqaad u sameeyay Naadiga Gaadiikda, waxayna shegeen hadii ay guul ka keenaan tartanka inay Safar Dalxiis ah siin doonaan oo gudaha dalka ah.

Ugu Dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Md. Duran Axmed Faarax ayaa Ciyaartooyda iyo Masuuliyiinta soo ajiibtay kulanka uga mahad celiyay, wuxuu sheegay in Naadiga dadaal badan looga fadhiyo, isagoona sheegay in uu ku kalsoonyahay Kulankooda u horeeya ay talaadada cayaarayaan inay guul ka keenayaan.
Daawo Sawirro


Dhamaad

Xafiiska Xariirka Dadwaynaha iyo Warfaafinta Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya
Email:- Info@motca.gov.so