Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka oo Socdaal Shaqo ku tagtay Magaalada Beladwayne

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta socdaal shaqo ku gaartay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo ujeeddadu ahayd u kuurgelida xaaladda garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, kaddib burbur soo gaaray dhabaha diyaaradaha runway-ga.

Wasiir Fardowsa, ayaa sheegtay in si degdeg ah loo qaadi doono tallaabooyin lagu dayactirayo garoonka gaar ahaan runway-ga, iyadoo intaa ku dartay in hannaanka dib u dayactirka ay warbixin ka soo saari doonaan khuburada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Socdaalka waxaa qeyb ka ahaa , Xildhibaan Cabdirsaaq Macalin Ciid oo ka tirsan Golaha Shacabka BFS, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabelle, Mudane Muuse Salaad Wehliye, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan iyo khuburo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dhammaad