Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka oo kulan mira dhal ah la qaadatay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Muqdisho, 17,Janaayo,2022:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Xil Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta kulan mira dhal ah la qaadatay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, waxaana kulanka looga wada hadlay Iskaashi horumarieed ee dhinacyada Gaadiidka, Hawada iyo Garoomada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa sheegtay in ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin sidii kaali tooda ay uga qaadan lahaayeen kafaa’iidaysiga mashaariicda ee la xariirta dhinacyada horumarinta Gaadiidka dadwaynaha, duulimaadyada iyo Garoomada diyaaradaha dalka oo u baahan horumarin iyo dib u balaarin.

Danjire Tiina Intelmann ayaa dhankeeda sheegtay in dedaalada horumarineed ee Wasaaradda Gaadiidka ay wado ay taageerayaan ayna ku faraxsan yihiin horumarada lagu talaabsaday.

Midowga Yurub oo Mashaariic kawada dalka kuwaas oo lagu horumarinayo Kaabayaasha dhaqaale.

Dhammaad.