Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka oo bogaadisay Guusha laga gaaray Amniga iyo Maamulak Hawada Soomaaliya.

Muqdisho,26,02,2023:- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Xildhibaan Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa si diiran usoo dhawaysay dadaalka iyo talaabada bogaadinta mudan ee loo qaaday dhanka Maamulka iyo Amniga Hawada Soomaaliya oo si buuxda Dawladda Soomaaliya u maamulayso.

Class A ayay xala Saq dhexe 12:00AM Soomaaliya gaartay waxaana haatan kadib ay Soomaaliya awood buuxda u yeelanysaa Maamulka iyo la socoshada Hawada si dhamaystiran, iyadoona talaabadaan aan kala mid nahay dalalka horumaray.

Wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa shacabka Shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay hamblayad guusha la gaaray waxay warbixin kooban oo ay la wadaagtay bulshada ku tiri sidaan.
‘’ Sharaf ayay ii tahay inan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo qaranka la wadaago guusha weyn ee taariikhiga ah ee hawada Soomaaliya oo caawa saacado marka ay tahay 12:00 saqda dhexe ah 26ka Janaayo 2023 , si rasmi ugu wareegi doonta heerka ugu sarreeya ee Darajada (Class A).

Waa dhacdo weyn oo wax ka tiri doonta badqabka Hawada iyo amniga marinnada hawada ee ugu mashquulka badan gobolka iyo caalamka. Sidoo kale , wuxuu hannaankan gacan ka geysan doonaa korarka Dhaqaalaha ee dalkeenna.

Waxaa u mahadcelinayaa hoggaanka iyo howlwadeennada Hay’adeenna Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo gaarista hannaankan dadaal badan geliyay, 30 sanno kaddib dalkeenna uu la soo wareegay maamulka Hawada . Waxaan kale u mahadceliyaa hay’adaha iyo ururrada caalamiga ee wada shaqeynta iyo iskaashiga wadaaga ah ee aan ku gaarnay darajadan, kuwaa oo ay ugu horreeyaan ICAO iyo IATA’’.

Soomaaliya ayaa xaqiijinta guushaan waxay uga dhigan tahay inay kusoo dhiiradaan diyaarado caalamiah, waxayna tani cadaysnaysaa in Hawada Soomaaliya ay tahay mid la isku halayn karo Amni ahaan & Maamulkeedaba.

Dhammaad